U gudub nuxurka bogga
SABAAD

muraayad

Magac Dheddig
Naxwe-do, m.l
Xaraf MSubg MU8 xar
1

Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye.

2

(m.w) (do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale.

Tusaale Dheeraad ah3

“

“Waa fiican,” ayay Muraayad tiri, “Ugaasooy ka faa’ideyso waqtigaaga.”

”
“

Caasumad wadani waa muraayad ka turjunta laguna miisaamo, awoodda horumar dhaqaale, kan dhaqan iyo daganaashaha siyaasadeed ee umadi leedahay.

”
“

Qofka xidha muraayad cadna waxa uu ka dhigan yahay qofka iska hubiya wax kasta ka hor inta aannu ka hadal siday muraayad cadi u sheegayso xaqiiqda hortiisa taal oo kale.

”

Ereyada La Xidhiidha

Falanqaynta Naxwaha

Qaybta Hadalka

Magac Dheddig (m.dh)

Isrogrog

-do, m.l

Xarafka

M · MU

La Wadaag

Sawirka La Wadaagga

Soo koobid ereyga, macnihiisa, iyo tusaalaha

Fur daaqad cusub
muraayad - sawirka la wadaagga

La Wadaag

Sida aan u hagaajino SABAAD