b
Qeexid: b (ba') m.dh Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Qeexid: b (ba') m.dh Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Qeexid: ba (-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.) Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Qeexid: ba'1 m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
Qeexid: ba'2 f.mg1 (-'ay, -'day; -bi'i) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.
Qeexid: ba'an f.mg4 (-'naa, -'nayd) 1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
Labdhedig: -iyay, -isay
Qeexid: ba'id m.dh ld bi'id baji f.g2 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
Qeexid: ba'naan m.f.dh eeg ba'an. ld ba'naansho.
Qeexid: ba'naansho m.l/dh ld ba'naan.
Labdhedig: -naa, -nayd
Qeexid: ba'san f.mg4 1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
Qeexid: ba'sanaan m.f.dh eeg ba'san. ld ba'sanaansho.
Qeexid: ba'sanaansho m.l/dh ld ba'sanaan.
qr.dd
Qeexid: (nax.) Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa1, ayaa, yaa3.
qr (qurub) - qurub (particle) [Qeyb: naxwe]
dd (Diirad) - Diirad (focus) [Qeyb: naxwe]
m.l
Qeexid: Qayb ka mid ah qaybo buug.
Qeexid Xigta: Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah.
Qeexid Kale: Isku b.: wax isku nooc ah.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
l (Lab) - Lab (masculine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: l]
Tusaale: “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
Qeexid: baabaha masiixiga m.l (dii.) Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.
m.l
Qeexid: (daaw.) Jirro ku dhacda malawadka qeybtiisa danbe oo leh finan dhaliya cuncun badan. ld bawaasiir.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
l (Lab) - Lab (masculine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: l]
Qeexid: baabba'1 m.l 1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id.
Qeexid: baabba'2 f.mg1 (-'ay, -'day; -bbi'i) 1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
Labdhedig: -naa, -nayd
Qeexid: baabba'san f.mg4 Baabba' ku dhacay ahaansho.
Qeexid: baabba'sanaan m.f.dh eeg baabba'san. ld baabba'sanaansho.
Qeexid: baabba'sanaansho m.l/dh ld baabba'sanaan.