NIN IYO KURTUN
Nin baa isagoo guureynaya goor habeen barkii ah baa wuxuu arkey wax madow oo uu ka yaabay,
Markaas buu iska fariistay, oo soo jeeday habeenkii oo dhan isagoo moodaaya bahal, markaas baa waagii baryey.
Markaas buu wuxuu yiri:
- ma waxaan ku moodayey
- mase waxaad noqotay
- mase waxaan loo noqon doonin,
- waxaan ku moodaayey bahal,
- waxaadse noqotay kurtun,
- waxaanse loo noqon doonin guuro habeen.
Sheekadii guuro habeen


