FAADUMA FARA LACAG

SHEEKADII "FAADUMA FARA - LACAG"
Waa hore waxaa jiray nin la odhan jiray Coofaadh oo inan la yaal ahaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu u dhaanshay reerka. Markuu dhaankii ceelkii geeyey ee uu soo dhaanshay, ayuu u soo fulay xaggii reerka si uu u guri geeyo.
Intii aanu soo gaadhin reerkii ayaa waxa ka hor yimid nin dad-qai ah, hase yeeshee aan lahayn wax as- taan ah oo lagu garto. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa qofka aadamiga u eg haddana dad-qalka ah "qoryo-isma- ris">, taasna micnaheedu waxa weeye marba nooc ayuu iska dhigaa.
Dooddan ayey is-dhaafsadeen Coofaadha iyo dad- qalkii :
Dadqalkii: Waar maxaad sheegtay ?
Coofaadh : Wax dhiilla ah ma ogin.
Dadqalkii: Dhibaato ma jirto ee weynu legdamaynaa, ninkii la legdana laga kicimaayo.
Coofaadh : Ma sidaas ayaad garatay? Waa hagaag.
Halkaas ayuu dhaankii ku xidhay markay dooddii sidaas ugu dhammaatay, ayna bilaabeen legdankii.
Markay is galeen ayaa dhakhsaba waxaa la leg- day dadqalkii. Dadqalkii ayaa intuu qayliyey yidhi, <waar waad igaadaye aan si fiican isu qabsanee iga kac".
Intuu Coofaadh ka kacay ayey mar kale is galeen, mar labaadkiina waxa la legday dadqalkii.

Markaas ayaa dadqalkii ku yidhi Coofaadh, "waar lug baad i dheer tahaye ee lugta midig is goo". Intuu ka kacay ayuu is jaray Coofaadh lugtii midig.
Haddana way isgaleen, waxana la legday dadqalkii, misana wuxuu yidhi dadqalkii, "waar lugta bidix baad i dheer tahay ee is goo". Coofaadhna inta uu ka kacay ayuu is jaray lugtii bidix.
Haddana way is galeen, waxana la legday dad- qalkii, misana wuxuu yidhi dadqalkii, "waar gacanta mi- dig baad i dheer tahay ee is goo". Inta uu ka kacay ayaa haddana Coofaadh is jaray gacantii midig.
Haddana way is galeen, waxana la legday dad- qalkii, misana wuxuu yidhi dadqalkii, "waar gacanta bi- dix baad i dheer tahay ee is goo Inta uu ka kacay ayuu is jaray gacantii bidixna Coofaadh. Markuu halkaas isku jaray afartii waaxood, ayey haddana is galeen waxana la legday Coofaadh, wu- xuuna yidhi, "waar iga kac amba waanigii kaa kaca- yey ee".
Sawnagii ku balanay in aan laga kicin ninkii la legdo", ayuu ugu jawaabay dadqalkii. Halkaas ayuuna ku cunay Coofaadh.
Dadqalkii murkuu bogey cunistii Coofaadh, ayuu dharkiisii oo halkan yaala oo uu iska bixiyey markay leg- danka bilaabayeen uu gashaday si uu ugu ekaado Coo- faadh, dhaankiina kaxeeyey. Markuu guryo-geeyeyna dhaankii goor himsa-himsa ah ayaa la furay.
Faadumo oo ahayd xaaskii Coofaadh ayaa kolkiiba shaki galay markay ka weyday eraygii uu Coofaadh halhayska u lahaa markuu dhaanka keeno oo ahaa "waar dhaanka furaay". Faadumo oo iskala murmaysa, in nin- kanu ninkeedii yahay iyo in kale ayaa waxay ardaagii aqalka u dhigtay sali iyo barkimo, markaasuu yidhi dad- qalkii. "kanu kay maaha".
Haddana waxay u dhigtay harar iyo barkimo, kol- kaas ayuu yidhi misana. "kanu kay maaha>>.
Faadumo oo shakigii ku sii weynaaday ayaa waxay u tagtay hooyadeed Cutiya, waxana dhexmartay dooddan: Faadumo: Hooyo ninku ninkaygii maaha.
Cutiya: Waayo, maxaad aragtay hooyo ?
Faadumo: Hooyo muu odhan eraygii halhayska u ahaa Coofaadh marku dhaanka keeno, gogoshiina saligii iyo cawskiiba waa diiday.
Cutiya: Naa hooyo, waaba yaabe. bal u dhig saanta iyo diga-xaadhka adhiga digada lagaga guro.
Markaas ayaa Faadumo intay u wareegtay barbar- keedii u dhigtay saantii iyo diga-xaadhkii sidii hooyadeed kula dardaarantay, kolkaas ayuu intuu qoslay dadqalkii yidhi, "kanaa kay ah".
Faadumo intay xeradii gashay ayey is tidhi caano u soo lis, saa waxay aragtay riyihii oo uu ka cunay naa- sihii badhkood intii ay ku maqnayd barbarka hooyadeed, Ilaahay yaab iyo fajac ayuu u keenay Faadumo, xaal- kiina waa u sii bayaamay.
Riyihii intii bedqabtay ayey u so listay, una keen- tay caanihii, markaa ayuu yidhi. "kanu kay maaha".

Haddana waxay Faadumo u keentay caano gadhoodha ah waanu diiday.
Haddana waxay u keentay caano ciir ah waanu diiday iyana.
Faadumo oo dhabanka iyo gacanta isku haysa ! ayaa u timi hooyadeed Cutiya waxana dhex martay dooddan:
Faadumo: Hooyo ninku ninkaygii maaha !
Cutiya: Oo waayo, maxaa soo kordhay?
Faadumo: Markii aan u geeyey saantii iyo diga-xaadh- kii wuxu yidhi tanaa tay ah, xeradii markaan galay waxan arkay riyihii oo badh naasuhu go'an yihiin oo dhiig ka tifiq leeyahay, kuwii bedqabay markaan u soo lisayna wuxuu yidhi kani kay maaha, markaan caano gadhoodha, kuwo ciira iyo kuwo karuura midba mar u keenayna waa wada diiday dhammaantood.
Cutiya: Hooyo, waaba yaabee! u lis riyaha naasaha go'an.
Halkaas ayaa intay Faadumo dardaarankii hooya- deed soo xanbaaratay u soo wareegtay barbarkeedii. Faa- dumo intay xeradii gashay ayay u soo listay riyihii naa- saha go'naa ee dhiiggu da'ayey una keentay caanihii iyo dhiiggii isku milaa, kolkiiba intuu fuuqsaday ayuu yidhi, "kanaa kay ah".
Markuu dhergay ayuu Faadumo u sheegay inay caawa qoyskoodu guurayaan oo ay aadayaan isaga reer- rahoodii.
Faadumo iyada oo shakigii aad ugu weyn yahay. ayey u timi hooyadeed kuna tidhi, ninkii wuxuu i yidhi caawa ayaan guuraynaa oon aadaynaa reerahayagii ee u sheeg waalidkaa, caanihii dhiigga lahaana markaan u geeyay wuu cabbay, wuxuuna yidhi, "kanaa kay ah".
Faadumo iyo hooyadeed waxay is dhaafsadeen dooddan :
Faadumo: Hooyo raacimaayo ninkan oo waa dadqal!
Cutiya: Hooyo iska raac, waa ninkaagiye adigaa ismoodsiiyey.
Faadumo: Hooyo haddaan raaco armuu i cunaa !
Cutiya: Hooyo waxba ku cuni maayo ee raac waa ninkaagii e.
Faadumo: Ninkaygu muu cabbi jirin dhiigga kumana
seexan jirin saanta iyo diga-xaadhka.
Cutiya: Haddii uu odhan waayo aroorta marka reer ka la rarayo. "waar reerka raraay", maaha ninkaagii.
Faadumo ayaa u soo wareegtay barbarkeedii iyada 00 weli fajacsan.
Dadqalkii oo dhagaysanaayey markii ay wada had- laayeen Faadumo iyo hooyadeed, ayaa markii waagii soo guduutay aad ugu dhawaaqay. "reerka hala rarooy".
Markii uu waagii baryey ayey Cutiya ku tidhi Faa- dumo. "Maxaad ii lahayd ninku ninkaygii maaha saw kii vidhi "reerka raraay".

Intii awrta la raraayey Faadumo iyo dadqalkii waxa dhex martay dooddan:
Dadqalkii: Naa Faadumo, awrka guree.
Faadumo: Waa yahay.
Dadqalkii: Naa Faadumo, waan xanuunsanayaa ee awr-
ka i saar.
Faadumo halkaas ayey dadqalkii ku saartay awrkii, dareerisayna awrtii iyada oo gadhka haysa.
Markii Faadumo awrtii hoggaanka qabatay ee wax badanba aan la socon ayuu dadqalkii intuu heeryadii badhtanka ku dhuftay ayuu cunay awrka kuruskiisii. Haddii uu dhammaystayba awrka kuruskiisii, waxa xa- nuunsaday oo buubay awrkii ilayn waa awr dhaawacan e. Kolkaas ayuu yidhi dadqalkii, ilayn ninba xeeladdii ku Xoogsaye. <<naa Faadumo, awrkani waa qaalin yar oo buubaayee ka hayinka ah ii warceji". Halkaasna waxay ugu wareejisay awrkii hayinka ahaa.

Awrkii hayinka ahaana sidii kii hore oo kale ayuu ku bilaabay cunid. markii uu hudhay awrka kuruskiisii, ayaa awrkii diday. kolkaas ayey tidhi Faadumo, "dooh muxuu awrku la didayaa" ?
“Naa masarkaaga bilif-biliftiisuu ka didayaa ee tuur”. Faadumo halkaas ayey ku tuurtay masarkeedii.
Haddana mar labaad ayuu hudhay awrka kuriskii- sii, iyada oo la yaaban dhiilada awrka ku dhacday ayey misana tidhi, "dooh muxuu awrku la didayaa" ?
“Garbasaartaada bilig-biligteeda ayuu ka didayaa ee tuu”, ayuu ugu jawaabay dadqalkii, wayna tuurtay.
Mar saddexaadkiina wuu hudhay, say tidhi Faadu mo, "dood awrku muxuu la didayaa" ? "Kabahaaga jiiq- jiiqdooduu ka didayaa ee tuur", ayuu misana vidhi dad- qalkii. Sidii kuwii hore oo kale ayey iyana tuurtay.
Markii uu gabalkii gaabtay ayey meel degeen awr- tiina ku furteen. Faadumo isla markii ay awrta ka dhig- tay heeryadiiba waxay aragtay kuwuu ka cunay kuruska iyada oo awalba shakisanayd avey u sii caddaatay in nin- kani dadqal yahay.
Faadumo waxay ka fikertay siday uga nabad geli lahayd dadqalkan, waxayna ku tashatay in ay ka baxsato markuu caawa seexdo. Dadqalkii isaguna wuxuu ku ta- shaday in uu Faadumo cuno markay seexato iyada oo uu ka abuaarayo xagga badhida oo ay u buurneyd una baruur badneyd.
Waqtigay u qalqaalsanayeen hurdada ayey dood- dani dhex martay Faadumo iyo dadqalkii :
Dadqalkii: Isaga oo siyaasad iyo xeelado isticmaali jirey markkuu rabo in uu wax cuno, badheedhna aan wax u horori jirin, ayuu isaga oo had dana halkii ka miisaya yidhi, "naa Faadumo ama i barko ama aan ku barkado".
Faadumo: Iyadoo wax waliba u cad yihiin, una diyaar ah in ay ka siyaasad badiso dadqalka si ay uga sabata baxdo masiibada ayey ugu ja- waabtay. "i barko". Waxayna soo diyaarsa- tay dhadhaab dhagax ah.
Markii ay dooddii dhammaatay ayey seexdeen. Dadqalkii isagu wuu iska seexday isaga 00 isleh koley meel kaa qabanmeyso ee ha kuu seexato. Hase yeeshee Faadumo oo lediweyday ayaa markuu dhagida galay intay u barkisay dhadhabtii ay sii diyaarsatay. qaadatayna wixii xadhko iyo midiyo yiilay guriga wad- dada cagta saartay.

Hal cabbaara kolkay ka socotay gurigii iyo dad- qalkii, ayuu toosay isaga oo raba in uu cuno badhidii Faadumo ee uu barkanaa. Intuu hudhay, ayuu yidhi. "Faadumo fara-lacag badhideedu adagaa". Mar labaad- kiina sidii oo kale ayuu u cantuugey dhadhaabtii, waxana halkaa kaga soo dhacay afartii fool ee hore. Halkaa ayuu ku kacay isaga oo leh badhideedu adagaa ma birbaa, waxaanu arkay in uu wuxuu cunayaa yahay dhagax, Faadumana aanay joogin meesha, waanu calaacalay isa- ga oo leh, "hoogayey ma intaan hurday iga huleeshay". Dadqalkii iyada oo weli dhulku madow yahay ayuu raad- keedii ku soo dhacay, waaguse soo guduutay.
Faadumo waxay orodaba markii waagii beryey ayey waxay ku soo baxday geed dheer oo barde ah, hoos- tiisana ay ka qodan tahay booraan dheer oo biyo ku ji- raan, intay kortay geedkii ayey isku xidhxidhay si aanay markay lulooto uga soo dhicin.
Dadqalkii oo weli haya raadkii Faadumo, amintuna tahay goor barqo ah ayaa ku soo baxay iyadoo ku taagan geedkii, wuxuuna yidhi, "Faadumo soo deg", waanay dii- day in ay soo degto.
Dadqalkii wuxuu u habarwacday habar dugaag oo dhan, waanay u yimaadeen. Faadumona waxay tidhi, <ayaa habar muslinaay", waxaana u timi "shimbir garab la ". Faadumo waxay fartay shimbirtii fariintan, "Orodoo u tag reerkayagii oo iigu qaylo gee, kuushaana qaado". Habar dugaaggiina waxay ku tidhi Faadumo, "xa- dhigaan idiin soo deynayaa ee soo raaca", markay soo raacaan ee ay dhexdhexaada marayaana way u goysaa, waxayna ku daataan booraantii biyaha ahayd ee geedka ku hoos tiilay. Sidaas ayey habar dugaagii ku dham- maadeen dadqalkii mooyee. Dadqalkii oo soo hadhay wuxuu ku yidhi Faadumo, "Faadumoy ii soo rid xadhiga aan kuu wehelyeelee", waanay u soo riday xadhigii mar- kii uu in yar u soo jirayna way u jartay xadhigii, halkaas ayuuna ku geeriyooday intuu ku dhacay booraantii.
Shimbirtii ay Faadumo qayla-doonka u diratay wa- xay ugu horrayntiiba u tagtay Cali oo ah Faadumo wa- laalkeed oo shir ku jira, waxayna ku tidhi, "waaryaa shir baas ku jire walaashaa Faadumo fara-lacag geedkii berde berde baala weyne ayey shalay duhurkii ba'ayeey ka lahayd".
Markay ka tagtay inankii Cali waxay u timid Cutiya 00 ahayd Faadumo hooyadeed oo baruuro shiilanaysa, waxayna ku tidhi, "eey-aahee baruura baas shiilato inan- taadii Faadumo fara-lacag geedkii berde berde baala weyne ayey shalay duhurkii ba'ayeey ka lahayd".
Markay intaa Cutiyana ku tidhi ayey u tagtay Qa- dhoon oo ah Faadumo aabaheed oo salaad tukanaaya, waxayna ku tidhi sidan, "eeyaahee salaad baas tukade inantaadii Faadumo fara-lacag geedkii berde berde baala weyne ayey shalay duhurkii ba'ayeey ka lahayd".
Markii ugu dambeysay waxay shimbirti u timid Faadumo walaasheed, Xaabeeya, waxayna ku tidhi, si dan. "naayaahee dhiila baas culato inantiinii Faadumo fara-lacag geedkii berde berde baala weyne ayey shalay duhurkii ba'ayeey ka lahayd".
Reerkii oo dhan markay qayladii kula dhexdhac- day ayaa laysku soo bug yidhi, halkaas ayaa shimbirtii garabka la'ayd ku soo hoggaamisay reerkii iyada oo mar- kii ay ka timid Faadumo ku soo calaamadsatay meeshii kuushii ay soo siisay.
Iyada oo gadhqaad u ah ciidankii gurmadka ahaa ayey u kaxeysay dhinacii Faadumo. Waxay shimbirtu ku heesaysay intay colka waday - "Shimbir garab li'i wax ma garatee bal dhankan u gudub", sidii ay u soo waday- na waxay u keentay geedkii ay ku taagneyd Faadumo.
Kolkii reerkoodii oo idil is hoostubay ee ay ku yidhaahdeen soo degna way diiday. Waxay ku celceli- yeen in ay soo degto iyaka oo leh, aabe soo deg, hooyo soo deg, walaal soo deg, diidmadii ayeyna ku adkaysatay. Markii ay soo degiweydey ayaa walaalkeed Cali habaaray, wuxuuna yidhi. "Ilaahayow ay walaashay Faadumo fara- lacagi ay la soo jabtaa laanta ay fuushan tahay oo ay ka jabtaa faryara bidix wax kalese aanu gaadhin>>.
Ilaahay wuu ka aqbalay Cali, Faadumona waxa la soo jabay laantii, waxayna ka jabtay faryara bidix. Hal- kaas ayey ku raacday reerkoodii laguna badbaadiyey inantii Faadumo fara-lacag.

"Sheeko kasta waxay leedahay cashar..."

Qoraa

Faahfaahinta Sheekada

“ Sida aan u ognahay afkeenu wuxuu hodan ku yahay xagga suugaanta. Ha ahaato gabayo, sheekooyin, heeso, maahmaaho iyo dar kaleba, gaar ahaanna waxa aad loogu tiriyaa xagga reer-guaraaga oo nolosheenu ka soo jeeddo ama aadba ugu badan tahay. Sidaa awgeed waxa habboon in suugaantaa iyada ah la qoro oo lagu ababiyo carruurteena ku jirta Dugsiyada Asaasiga ah.
Sheekadan “FAADUMA FARA - LACAG ” waxay ka mid yihiin suugaantaa ka soo jeedda miyigeenna, aadna caanka ugu ah dalkeenna. Sheekadan, waxay ka mid tahay sheekooyinka ay ku maaweelooto carruurteenu ee ay ku ababiyaan hooyooyinka Soomaaliyeed.
Sheekadani waxay ku habboon tahay carruurteena ku jirta dugsiyada asaasiga ah, gaar ahaan heerka dhexe. ”