Qeexid

"(c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga yaxaas oo kali ah:
  • Alle faqri nagama dhigin, haddana inta xabbadu layso in le'egi waxay u le'ataa gaajo, in ka sii badanina waxay u go'daa cudurro. in kale oo badan waxa quuta yayda iyo yaxaaska, inta soo hadhayna waxay ku nooshahay gacmo hoorsi.
  • Tigree, daacuun, yaxaas, macaluul iyo daryeel la’aan ayaa kala goostay.