Qeexid

"Dugaag, shimbiro iwm ciyaaro, ci' ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn."

Qeexid Xigta

Shimbiro ci' iyo dhaqdhaqaaq la aammin sanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

Fal naxwe,

Fal / verb

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga xareedi oo kali ah:
  • Lammaanahani waxay maallin kasta u dalxiis tegi jireen kaymaha kala geddisan ee ay ku nool yihiin makhluuqaadka Alle ee kala geddisan dhulka xareedi wadhan tahay, raxmaadkuna maansheeyey oo aan hadh iyo habeen tiix amma mahiigaan ka kala qaadin.
  • Adaa dheeman iyo luul iyo dhagaxa dahabka qiimiyo wax dheeroo adaa dhir iyo ubax iyo dhool aroor da'ay iyo dhul xareedi wadhantahay uga dhigan naftaydee.