Qeexid

"(-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada."

Qeexid Xigta

Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga xabag oo kali ah:
  • Hargeysa iyo degaammada ku dhow ama ku xeersan waxa looga ciyaaraa: “Kun-bulloow, Kun-bullaale caddoow, Xabag geed ka baxdaay, Bile Bile, Bile Jire, Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, ku jaboo, ku jiqsii.”
  • Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhif yar oo xabagaysan 00 lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.