Qeexid

"(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

urur naxwe,

urur / collective

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga naasley oo kali ah:
  • Sanadkii 2006dii noocyada naasleyda dunida waxaa lagu sheegay ineey yihiin 5,416 species.
  • Jeer waa xayawaan ku nool Biyaha iyo Berigaba oo Naasley ah, waxoo u badanyahay wabiyada.waa xayawaan ku nool dhulka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.