Qeexid

"Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye."

Qeexid Xigta

(m.w) (- do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga muraayad oo kali ah:
  • Waxa uu sheegey in Shirkadda Mubaarak ay tahay shirkadii ugu horeysey ee keenta Muraayado Puntland taas oo bilic ku soo kordhisey ganacsiga Puntland.
  • Qofka xidha muraayad cadna waxa uu ka dhigan yahay qofka iska hubiya wax kasta ka hor inta aannu ka hadal siday muraayad cadi u sheegayso xaqiiqda hortiisa taal oo kale.