Qeexid

"Qof degaankiisii uga tegey risiq doon ama diin fidinteed."

Qeexid Xigta

(dii.) (m.w) Asxaabadii Nebi Maxamed (n.k.h.a.) la haajirtey oo inta Maka ka tegtey mid ka mid ah.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga muhaajir oo kali ah:
  • Dalka Yemen ayaa waxaa maalin walba gala muhaajiriin fara badan oo ka cararaya rabshadaha iyo dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka taagan Somalia, iyadoo dadkan maqan ay noqonayaa kuwii ugu tirada abdi ee Badda Cas lagu waayo.
  • Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc).