Qeexid

"(fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta inta gun iyo gob ka kala dhigta."

Qeexid Xigta

(siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq1.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga midabtakoor oo kali ah:
  • Hadaba halgan dheer oo ay u soo mareen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, sinaan iyo cadaalad ku dhisan, waxa la joojay midabtakoorkii sida muuqata loo midab sooci jiray waxaana soo if baxaday inay dadku siman yihiin Madaw iyo Cadaanba.
  • Nasiibdarro, dadkii madoobaa oo ka xorroobay midabtakoorkii loo yaqaanney Apartheid-ka iyaga lagu hayey, ayaa waxay ku hayaan kiiyoo kale qaxooti badan oo Afrikaan ah oo dalkooda marti ku ah.