Qeexid

meertada Kaalfin m.dh (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga meertada oo kali ah:
  • S: Haatan waxaad la wareegtay gudoomiyenimada meertada ah ee ururka SRRC muxuu yahay qorshahaagu inaad qabato?
  • Marxabada sheekiyo fadhigu, mare galin weeyaane Meertada adduun waa shaqo, loo maxaafsado’e.