Qeexid

(-iyo, m.l) (c.nafl.) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga maroodi oo kali ah:
  • Shabeelku wuxuu quutaa xayawaano uu ugaadhsado sida deerada, doofaarka, shimbiraha, xamaaratada, maroodiga dhasha ah, harima cadka, iyo mararka qaar shabeel kale.
  • Sida la ogyahay, waxay maanta (shalay) ee 14 September ay guddida nabadgelyada Gobolka Maroodi-jeex ay xadhig min lix bilood ah ku xukumeen 40 Qof oo ka mid ahaa shacabweynihii la qabtay maalintii taageerada salmiga ah loo fidinayay Xildhibaannada.