Qeexid

"(-nno, m.dh) (kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga koloriin oo kali ah:
  • Waxa kale oo uu sheegay in ay daawadda koloriinta ku shubeen Ceelasha Dooxa Hargeysa, si loo yareeyo ayuu yidhi; “Khatar ka timaaddaa marka biyahooda la cabo.”
  • Waxa ka mid ah falgalada ay la sameyso Aaydhiinta iyo Koloriinta kuwaas oo ah milixda caadiga ah ee cuntada lagu darsado.