Qeexid

"(kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga kaarboon oo kali ah:
  • Maadaama Kaarboonku la fal-galo curiyeyaal badan, waxaa aad u badan Isku-dhisyada (compounds) uu leeyahay oo waa curiyaha ugu isku-dhiska badan dhamaan.
  • Shaqada unugyada cas cas waa inay qaadaan oksijiinta ayagoo gaynaya unugyada kana soo qaadaya hawada wasaqaysan ee kaarboonka.