Qeexid

(-iyo, m.dh) Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga joodari oo kali ah:
  • Qalabkan oo dhamaa hal Kuntaynar waxa uu ka koobnaa qalabka jiifka Isbitaalada (Sariiro, Joodariyaal, Dharka Shaqaalaha iyo Nadaafadda), Qalabka Baarista (Mashiino Casri ah) iyo Qalabka Isbitaalada nadaafadooda looga shaqeeyo.
  • Afhayeenada UNCHR, waxay sheegtay in kumanaanka kun ee ka qaxay Muqdisho aysan qaarkood wadan wax agab ah, kuwo yar oo ka mid ahna ay si dirqi ah ula baxeen joodariyaal ay ku seexdaan iyo alaabo aad u yar.