Qeexid

"(-ooyin, m.l) (c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga jiido oo kali ah:
  • Afartan sano ayaa ka soo wareegay waqtigaas, hase ahaate weli kama aan sal gaarin afkiinna la yaabka leh oo u eg mergi u jiidma hadba dhankii loo jiido.
  • Waxa la isku deyey in dhinacyada is haya ee isu iman kari waayey, ama iyagu heshiin kari waayey la isu soo jiido, khilaafka iyo waxa ay isku hayaanna loo kuur galo ama lala ogaado, si yuhuun iyo niyadsami wada-shaqayni ka dhalato loo helo.