Qeexid
(-ooyin, m.l) (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasamka unug nool kaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareereyaal kale, dheecaan ama saxaro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihiin dhowr dalool oo yaryar.