Qeexid
"Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca."
"Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca."
magac / noun
Lab / masculine
Wadaag:
(fiis.) Xoogga caabbinaya socodka dul marka loo eego dul kale oo ay is taabanayaan.
m.l
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
l (Lab) — Lab (masculine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: l
Wadaag:
eeg islis3.
m.f.dh
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
f (Fal) — Fal (verb)
Qeyb: naxwe
dh (Dheddig) — Dheddig (feminine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: dh
Wadaag:
magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin.
magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale.
mu.dhm.ly
mu (magacuyaal) — magacuyaal (pronoun)
Qeyb: naxwe
dhm (Dhimman) — Dhimman (clitic)
Qeyb: naxwe
ly (layeele) — layeele (object)
Qeyb: naxwe
Wadaag:
Erey xoolaha lagu yiraahdo kolka la doonayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.
e.d
e (Erey) — Erey (word)
Qeyb: naxwe
Wadaag:
I.kayga, i.kaaga iwm: qof laftiisa, nafta tiisi ah iwm.
m.l
m (magac) — magac (noun)
Qeyb: naxwe
l (Lab) — Lab (masculine)
Qeyb: naxwe | Jinsi: l
Wadaag:
isle'eg-saddexjibbaar m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud ee isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal.
Wadaag:
isle'egta xaaladda maatarka m.dh (fiis.) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
Wadaag:
isle'egyo-seegmaweydo m.dh (xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
Wadaag:
isle'eg-kiimikeed m.l (-gyo ..., m.dh) (xis.) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iwm). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Wadaag:
isle'eg-kubbad m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
Wadaag:
isle'eg-saabley m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
Wadaag:
isle'eg dhab ah m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.
Wadaag:
isle'eg1 m.dh (-gyo, m.dh) (xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
Wadaag:
isle'egta-socodka m.dh (xis.) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
Wadaag:
isle'eg-tirignoometeri m.dh (-gyo ..., m.l) (xis.) Isle'eg uu ku jiro ugu yaraan hal doorsoome oo urur horaadkiisu yahay ururka xagallo rug beegaal ah.
Wadaag:
isle'eg-toosan m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Wadaag: