Qeexid

"isgoyska dareenwadaha aragtida m.dh (isgoysyo ..., m.dh) (daaw.) Labada dareenwade ee aragtida oo mid il ka yimid meesha ay isku gooyaan oo ku beegan xarriiqda maskaxda kala barta una dhow qanjirdhiiqa “bitwitariga” dareenwada yaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa sanka xiga ee il walba waxay kudarsamaan dareenwadayaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa dibedda xiga ee isha kale. Cadadka aragtida oo ka sameysma isku darsankaas kaddib waxay kala nadan qoqob maskaxeedka jeegada ee labada dhinac."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga isgoyska oo kali ah:
  • Iska horimaadkaan ayaa waxaa uu u ahaa mid u dhexeeyay ciidanka DF oo ku sugnaa Isgoyska Holwadaag iyo kooxaha dagaallada kala horjeeda, waxaana ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kan fudud.
  • Isgoysyo ku yaal Bartamaha Magaalada Muqdisho ayaa weli waxaa kooxo hubeysan ku qaataan lacagaha leejada loo yaqaan ee sharci darada ah sida Isgoyska Bexaani,Isgoyska Degmada Kaaraan,Isgoyska Jubba,Buundada Ansalooti iyo kuwo kale.