Qeexid

"Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tus. “Waa immisadii?”, “Waa meeqa saac?”. ld meeqa."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magacuyaal naxwe,

magacuyaal / pronoun

weyddimeed naxwe,

weyddimeed / interrogative

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga immisa oo kali ah:
  • Cidna kama qarsoona, maalin walba waa lagu sheekaystaa, qurux khasaartay baa la yidhaa, immisaa inan rageed oo u hanweynaa dhexda farta ka qaniinay oo quruxdeeda quudhi waayey.
  • Immisay diidday wiil dhallinyaro ah oo u soo guur fadhiistay, immisay gaashaanka ku dhufatay oo mid kastaa iin aanu lahayn dusha ka saartay?