Qeexid

Nin iyo naag walaalo ah ilmaha ay dhaleen waxa ay isu yihiin.

Qeexid Xigta

Ilmo waxa ay u yihiin carruurta eedadood dhashay.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

urur naxwe,

urur / collective

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga ilma-abti oo kali ah:
  • Labada qoysba (reer Cali Madhaafaan iyo Reer Goohe Guuleedba) toddobaadkii geed-fadhiisiga Luul waxa ku soo kordhay ehelo isugu jirta ilma-adeer, ilma-abti, habaro-wadaag, eddooyin, habaryaro, asxaab, jaar, arday hore oo ay isku waxbarasho ahaayeen.
  • Marxuumadan iyo labada ciyaal ah ee la geeriyooday, waxay ahaayeen Ilma-abti oo guri bay wada joogeen, sida uu xaqiijiyay Badhasabku.