Qeexid
(baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.