Qeexid
her-isle'eg-xigsineed m.l (-rar ..., m.l) (xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
her-isle'eg-xigsineed m.l (-rar ..., m.l) (xis.) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
Qeexid: isle'ekaansho m.l/dh ld isle'ekaan.
Qeexid: isle'eg dhab ah m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Nooc ka mid isle'eg xigsineed taas oo wadarta xigsineed ee fansaar uu le'eg yahay eber.
Qeexid: isle'eg1 m.dh (-gyo, m.dh) (xis.) Weedh sheegaysa isle'ekaanshaha laba tibaax xisabeed, taas oo, labada tibaxood la isugu xiro astaanta isle'ekaanshaha (=), sida y = 3x, (x + y)2 = x2 + 2xy + y2.
Labdhedig: -ekaa, -ekayd
Qeexid: isle'eg2 f.mg4 Isku jin ahaansho.
Qeexid: isle'eg-kiimikeed m.l (-gyo ..., m.dh) (xis.) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iwm). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qeexid: isle'eg-kubbad m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.
Qeexid: isle'eg-saabley m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
Qeexid: isle'eg-saddexjibbaar m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud ee isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal.
Qeexid: isle'egta xaaladda maatarka m.dh (fiis.) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
Qeexid: isle'egta-socodka m.dh (xis.) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
Qeexid: isle'eg-tirignoometeri m.dh (-gyo ..., m.l) (xis.) Isle'eg uu ku jiro ugu yaraan hal doorsoome oo urur horaadkiisu yahay ururka xagallo rug beegaal ah.
Qeexid: isle'eg-toosan m.dh (-gyo ..., m.dh) (xis.) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qeexid: isle'eg-xigsiineed m.dh (-dyo, m.dh) (xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
Qeexid: isle'eg-xigsineed ee heerka-labaad m.dh (-gyo .., m.dh) (xis.) Isle'eg xigsineed oo ku jira diirane heerka labaad ah dy2/dx2. Ama jiro diirane ka sarreeya heerkan.
Qeexid: isle'egyo-seegmaweydo m.dh (xis.) Urur isle'egyo ah oo doorsoomeyaashoodu ay wada raaliggelin karaan ugu yaraan hal urur furfuris. Tusaale ahaan: isle'egyada x + y = 2 iyo x + 4y = 6 waxa raaligeliya x = 2/3 iyo y + 4/3. Isle'egyada x + y = 4 iyo x + y = 9 ma aha seegmaweydo waayo ma jiro lammaane qiimeyaal oo wada raaligeliya labada isle'eg.
Qeexid: isle'ekaan m.f.dh eeg isle'eg2. ld isle'ekaansho.
m.dh
Qeexid: Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan.
Qeexid Xigta: Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
dh (Dheddig) - Dheddig (feminine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: dh]