Qeexid

"dhakhsaha falgalka m.l (kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga dhakhsaha oo kali ah:
  • Mudanyaal iyo marwooyin reer UDUB waxa idin hor yaal ugu yara 11 qodob ee aan kor ku soo xusnaya, waxa aanu idin leenaya waa in aad sida ugu dhakhsaha badan u hir gashaan oo aad wax la taaban karo aad keentan.
  • Sidaas darteed waxa uu Ururka “WAX U QABO” u arkaa qodob aad u muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan Baanka Dhexe loogu sameeyo shakhsiyaddiisa sharciyeed oo u gaar ah lagana dhex saaro hawlaha baananka ganacsiga.