Qeexid

"dambe s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme."

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga dambe oo kali ah:
  • Xukunkan oo dhacay gallinkii dambe ee Maanta ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa xukuno dil iyo xabsi ah oo horay loogu riday askar kale oo dilal iyo falal kale oo uu dhac ku jiro ka geystay Muqdisho.
  • A Afartaan qof oo kala ah laba nin iyo laba dumar ah ayaa ciidanka Boliska Gabiley qabteen shalay gelinkii dambe kuwaas oo la socday gaadhi Surf ah oo ka yimid magaalada Wajaale.