Qeexid

"(-lo, m.l) (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl1 (5)."

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga dabeyl oo kali ah:
  • Dabeylo wata ciid oo waxyeelo ka geestay meelo kamid ah magaalada Khartoum.
  • Dhowr jeer hore ayay sheegeen kalluumeystada xeebaha Shabeellada Hoose inay dhibaatooyin kala kulmeen dabeylo ku dhuftay xeebaha Gobolkaas, iyagoo sheegay inay maalmo dhowr ah shaqo la'aan dhigeen dabeylo kacay.