Qeexid

"Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iwm lagu qaado."

Qeexid Xigta

Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Dheddig naxwe, dh

Dheddig / feminine

Wadaag:

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga booyad oo kali ah:
  • Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid; waxaana ciidamadaan la sheegay inay ilaalo ka ahaayeen gaari booyad ah.
  • Dadka danyarta ahina ma awoodaan in ay ka iibsadaan booyadaha, taas oo sababtay in ay dillaacaan xannuuno shuban leh oo ay keeneen biyuhu, taa waxaa dheer iyadoo laga baqaayo inuu Jiilaalku dabo-dheeraado oo ay ceelashu gudhaan.