Qeexid

Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

Qaab-dhismeedka (Naxwe)

magac naxwe,

magac / noun

Lab naxwe, l

Lab / masculine

Tusaale

Ogeysiis! qoraalkan, waa tusaale la xariir erayga bayooloji oo kali ah:
  • Bayoolojiga waxa loo qaybin karaa laba dhir iyo xayawaan iyada oo loo eegayo habka cunto samaysiga ee uu leeyahay nooluhu ama waxa loo qaybin karaa hal unugle iyo unugyo badane iyada oo loo eegayo tirada unugyada ee uu leeyahay.
  • Haddii uu ka mid yahay inta yar ee waxbaratayna aqoontaasi waa maaddada bayooloji oo aad uga fog afka iyo suugaanta iyo aqoontooda cilmiyeed.