Qeexid
b (ba') m.dh Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
b (ba') m.dh Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Qeexid: bu'1 m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
Qeexid: bu'yaro m.dh (-ooyin, m.l) (baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
Labdhedig: -iyay, -isay
Qeexid: bi'i f.g2 1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i.
Qeexid: bu'asho m.f.dh eeg bu'o.
Qeexid: ba'naansho m.l/dh ld ba'naan.
Qeexid: bu'o f.mg3 (-'day, -'dday) Weel cadaadiska gudahiisa ku jira oo aad u batay awgeed furtuurid.
Labdhedig: -naa, -nayd
Qeexid: ba'san f.mg4 1. Wax la bi'iyay ahaansho (arrin). 2. Ku b.: wax, wax kale oo foolxumeeya lagu haleeley ahaansho. Tus. “Darbiga dhiigaa ku ba'san”.
Qeexid: bi'is m.l ld bi'in.
Qeexid: bi'id m.f.dh eeg ba'2. ld ba'id.
Qeexid: bi'in m.f.dh eeg bi'i. ld bi'is.
Qeexid: ba (-ba) qr. 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.) Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Qeexid: ba'1 m.l 1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'.
Qeexid: ba'2 f.mg1 (-'ay, -'day; -bi'i) 1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.
Qeexid: bu'2 m.dh 1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qeexid: ba'an f.mg4 (-'naa, -'nayd) 1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
Qeexid: ba'naan m.f.dh eeg ba'an. ld ba'naansho.
Qeexid: ba'sanaan m.f.dh eeg ba'san. ld ba'sanaansho.
Qeexid: ba'sanaansho m.l/dh ld ba'sanaan.
Labdhedig: -iyay, -isay
Qeexid: ba'id m.dh ld bi'id baji f.g2 1. Cid cabsi gelin. 2. Wax sida ukun iwm. jebin. 3. Bujin.
m.dh
Qeexid: Saxarro jilicsan; shuban.
m (magac) - magac (noun) [Qeyb: naxwe]
dh (Dheddig) - Dheddig (feminine) [Qeyb: naxwe] [Jinsi: dh]